Xirfado fiican iyo waxbarasho badan waxay kaa caawin kartaa in aad xirfadaada iyo noloshaada ay hormariso. Mustaqbal wanaagsan ka bilow kulliyada farsamada ama kulliyada jaaliyada ee xaafaddaada.
Hababka lagu gaaro mihnooyinka iyo waxbarashada
Dabagalka mihnooyinka iyo dariiqyada waxbarashada waxay micnaheedu tahay in aad horey ugu socon karto in aad hesho shaqo wanaagsan adiga oo aqoon dheeraad ah kasbanaya. Tallaabo kasta ee aad sii qaado waxay kaa caawineysaa in aad gaarto heerka xigga ee shaqada iyo mushaharba.
Sidoo kale waxaad isu diyaar gareyn kartaa waxbarasho heerar sare leh.
tTusaale ahaan, haddii kalkaaliye aad dooneyso in aad noqoto, marka hore waxaad qaadan kartaa shahaadada Caawiye Kalkaaliye Diiwaangashan (Certifified Nursing Assistant (CNE)) Ka dib marka xooga aad shaqeyso, iskuul ayaad ku laaban kartaa oo aad qaadan kartaa shahaadada Kalkaaliye Howl-qabad Diiwaangashan (Licensed Practical Nurse LPN )). Ka dibna, waxaad qaadan kartaa shahaadada RN Kalkaaliye Diiwaangashan (Registered Nurse). Isla markaana, waxaa laga yaabaa in aad rabto in aad qaadato shahaadada kalkaaliye heer-jaamacaddeed.
Nolol waxbarasho
Dhaqaalaha iyo goobaha shaqo ee dunida si dhaqso ayay isu badalayaan. Si isbadelkaas loola socdo, shaqaalaha maanta waa in ay bartaan xirfaddo cusub inta inta ay jirto noloshoodu shaqo. Tani waxaa laga yaabaa in ay micnaheedu tahay in ay qaataan fasallo kombiyuutar ama waxay la micno noqon kartaa in ay helaan shahaado jaamacadeed.
Dhab ahaantii, arday badan oo xaadirta kulliyaddaha farsamo iyo kulliyadaha jaaliyadda ayaa waxay horeyba u haystaan shahaadooyin jaamacadeed. Ardaydaan waxay kulliyadaha jaaliyada ugu soo laabteen in ay isu tababaraan mihnado cusub.
Ilaa inta aad shaqeysan karto waxay ku siyaadaa inta aqoon ee aad leedahay
| Heerka waxbarasho |
Isku cel-celis sanad |
| Waxaa laga soo xigtey: U.S. Census Bureau, Educational Attainment in the United States: 2006, Table 8: Year Round Full-Time Workers. http://www.census.gov/population/www/socdemo/education/cps2006.html
|
| Inka yar shahaadada dugsiga saraha Mareykanka/td>
| $ 22,326 |
| Shahaadada dugsiga sare ama GED |
$ 31,209 |
| Shahaado machad tababar ama shahaado kulliyad ee laba sano ka yar |
$ 40,708 |
| Shahaado jaamacadeed ee afarta sano |
$ 51,436 |
| Shahaadada Masteredka |
$ 64,540 |
| Shahaadada xirfadda |
$ 100,000 |
| Shahaadada doktareetka |
$ 85,774 |